Amb Mohamed Ali Nur (Americo) (@AmbAmerico) header
Amb Mohamed Ali Nur (Americo) (@AmbAmerico) profile picture

Director General @mportauthority . Founder & former CEO of @yasminforAll Presidential Candidate of Somalia in 2017. Former Somali Ambasador to Kenya 2007-2015.

Somalia
Joined February 2013
Dekedda Muqdisho waa halbowlaha dhaqaalaha dalka, waxaana naga go’an inaan sii xoojinno hufnaanta adeegyada, dardargelinta howlaha dekedda iyo fududeynta ganacsiga. Kormeerka joogtada ah iyo la shaqeynta shaqaalaha waa qeyb ka mid ah dadaalkeenna ku aaddan horumarinta Dekedda Muqdisho, si ay ula jaanqaaddo dekedaha casriga ah ee gobolka. Ballanteennu waa shaqo, isla xisaabtan iyo natiijo. @MPortAuthority
5
6
30
2,859
Amb Mohamed Ali Nur (Americo) retweeted
The Indian Ocean holds a vast range of opportunities for the Somali people, especially the youth. These include job creation, entrepreneurship, economic growth, and sustainable livelihoods. With the right investment and innovation, our ocean can empower generations to come.
8
23
869
Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan bulshada dadka maqalka la’ ee Soomaaliyeed, kaddib markii shalay ay heleen luuqad rasmi ah oo ay ku wada xiriiri karaan, taas oo ah Luuqadda Suul-dhabaaleenta Soomaaliyeed (LSS). Sidoo kale, waxaan mahadcelin gaar ah u jeedinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, kaalinta ay ka qaateen hirgelinta arrintan muhiimka ah. Hambalyo dhammaan dadka maqalka la’ ee Soomaaliyeed. @YasminForAll
2
6
1
30
2,483
Waxaan hoggaamiyay wafdiga Dekedda Muqdisho ee ka qaybgalay Shirka PMAESA 2026 ee lagu qabtay Dar es Salaam, Tanzania. Shirku wuxuu diiradda saaray maalgashiga, casriyeynta dekedaha iyo iskaashiga gobolka. Hadafkeennu waa inaan Dekedda Muqdisho ka dhigno xarun ganacsi iyo adeegyo badeed oo hormuud ka ah gobolka. @MPortAuthority #PMAESA2026 #DekeddaMuqdisho #Somalia
2
4
4
34
2,192
Maanta, waxaan Dekedda Muqdisho ku soo dhoweynay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga Dekedaha Muqdisho iyo Trieste, tababarrada xirfadeed iyo horumarinta adeegyada saadka. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa fursadda waxbarasho ee afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah loogu dirayo Trieste, anigoo uga mahadcelinaya Dowladda Talyaaniga iyo Gobolka Friuli Venezia Giulia taageeradooda. Waxaa naga go’an inaan iskaashiga caalamiga ah u beddelno aqoon, xirfad iyo horumar muuqda oo dalkeenna anfaca. @MPortAuthority
1
1
13
1,000
La kulanka iyo dhiirrigelinta ardayda mar walba muhiimad gaar ah ayay ii leedahay. Waxaan aaminsanahay in dhallinyaradu yihiin awoodda horseedi karta horumarka Soomaaliya. Waa mas’uuliyaddeenna inaan dhiirrigelinno, garab istaagno, una abuurno fursado ay ku horumaraan. @MogUniver @MPortAuthority
3
2
20
1,052
Amb Mohamed Ali Nur (Americo) retweeted
A magnificent catch from the Indian Ocean by our hardworking fishing crew for Marina Seafood.
3
10
2
65
1,980
Maanta waxaan Dekedda Muqdisho ku soo dhoweynay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin, oo booqasho rasmi ah nagu yimid. Waxaa naga go’an xoojinta wada-shaqeynta, horumarinta adeegyada dekedda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. @MPortAuthority
1
2
1
41
3,504
Ciyaaruhu waa caafimaad, firfircooni iyo midnimo. Aan dhiirrigelinno dhallinyarada, dhisnana bulsho caafimaad qabta! #Wiishstadium #basketball #Ciyaaraha #Somalia
4
4
2
24
2,028
I am honored to participate @PMAESAHQ ports and maritime investment forum in #Tanzania. @MPortAuthority
1
4
16
1,411
Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka! @YasminForAll waxaa naga go’an inaan carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan agoonta iyo kuwa danyarta ah, siino waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah. Ilmo kasta wuxuu mudan yahay fursad waxbarasho iyo mustaqbal ifaya. Aan wadajir u maalgelinno mustaqbalka caruurteena.
3
13
4
65
4,148
Sharaf ayay ii ahayd inaan ka qayb galo Madasha GSEF 2026, halkaas oo aan ku soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya uga furmay xubinnimada EAC, iyo qorshaha deked cusub oo casri ah oo laga hirgelinayo Muqdisho. Dekeddani waxay xoojin doontaa ganacsiga, isku-xirka gobolka iyo kobaca dhaqaalaha. Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo maalgashadayaasha inay maanta maalgashadaan, ka qayb qaataan horumarinta kaabeyaasha ganacsiga, lana yeeshaan dowladda iskaashi dhab ah. Horumarka Soomaaliya waa masuuliyad iyo fursad inaga wada dhexeysa. Aan fursadaha u beddelno maalgashi, maalgashigana horumar muuqda!
1
6
2
40
2,940
Maanta waxaan shahaadooyin guddoonsiinnay ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho oo dhammaystay tababar saddex bilood socday. Waxaa naga go’an inaan dhisno deked casri ah oo ku dhisan aqoon, xirfad iyo hufnaan. @MPortAuthority Aqoonta maanta waa horumarka berri!
1
9
2
56
3,453
Anigoo ay i wehliyaan Maareeye Ku xigeennada Dekedda Muqdisho, waxaan soo dhoweynay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Danjire Osman Dubad, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga labada dekedood iyo dib u bilaabidda adeegga maraabkiitii isku xiri jiray Muqdisho iyo Jabuuti, kaas oo hakaday. Waxaa naga go’an inaan Dekedda Muqdisho ka dhigno xarun istaraatiiji ah oo horseed u noqota ganacsiga, isku xirnaanta gobolka iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Himiladeennu waa inaan xiriirka walaaltinimo ee labada dal u beddelno iskaashi wax ku ool ah oo kobciya ganacsiga, horumariya dekedaha, isla markaana xoojiya dhaqaalaha iyo isku xirnaanta gobolka. @DjiboutiEmbSO @MPortAuthority #Somalia #Djibouti
5
3
33
3,192
Waxaa farxad ii ahayd inaan dib ula kulmo walaalkey Jeilani M. Hussein, milkiilaha Harqaanka Afro1. Waxaan aaminsanahay in horumarka dalkeennu ka bilaabmo taageeridda ganacsiyada maxalliga ah. Aan ficil ku taageerno ganacsatada Soomaaliyeed. Aan booqanno, taageerno, kuna dhiirrigelinno walaalkeen Jeilani dadaalka uu bulshada u hayo. Ganacsiga Soomaaliyeed oo kobcaa waa dhaqaalaha Soomaaliya oo kobcay. 📍 Afro1, Via Roma, Muqdisho. 🇸🇴
5
2
33
2,061
Xamarweyne waa xaafad taariikh fac weyn leh, hoyga dhaqanka, ganacsiga iyo ilbaxnimada Soomaaliyeed. Xamarweyne waa taariikh nool, waana dhaxal ay tahay inaan wadajir u ilaalinno! @MohamudUtaama #Xamarweyne #Muqdisho #Soomaaliya #Taariikh #Dhaqan
2
7
4
40
2,715
16-ka Oktoobar | Maalinta Cuntada Adduunka Sugnaanta cuntadu waa tiir u ah horumarka Soomaaliya. Dekedda Muqdisho waxaa naga go’an inaan xoojino dhoofinta wax soo saarka beeraha iyo sahayda cuntada. Waxaan ugu baaqayaa beeraleyda iyo ganacsatada iskaashi dhab ah oo horseeda natiijooyin muuqda. @MPortAuthority
1
739
Waxaa farxad weyn ii ah inaan caawa ka qayb galo bandhigga Suuqa Xamarweyne, anigoo garab istaagaayo ganacsatada yaryar iyo dadaalkooda ku aaddan kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in taageeridda ganacsatada yaryar ay door muhiim ah ka qaadato abuurista fursado dhaqaale iyo horumarinta bulshada.
3
6
2
58
3,593